Buuhoodle waa meelaha ugu nabada badan gayiga Somalida.
Buuhoodle waa Degmo ka tirsan Gobolka Togdheer,marka laga hadlayo xilligii Dowladdii Mohamed Siyad Barre,waxayna Degmonimada qaadatay 1954tii.
Wixii Dowladdii Mohamed Siyad ka danbaysay Buuhoodle wax maamul Dowladeed ah kama hirgelin,inkasta oo ay saamayn kulahaayeen maamulada Puntland iyo Somaliland,dhanka kale waxaa iyana saamayn togon kuleh Dowladda Ethiopia oo Buuhoodle waxay ku taal xadbeenaadkii Ethiopia samaysatay.
Comments