Skip to main content

Ceerigaabo

 Deg deg, Ceerigaabo in ay nabad noqonto waxay ku iman kartaa in Maamulkasta daantiisa maamulo, taas baa nabad iyo wanaag ah lkn inta Maamulka Gobolka Waqooyi galbeed, diidan yahay taas Nabadi iman mayso.

In la deegaankii Harti Maamulka Waqooyi galbeed iyo shacabkiisu si khasab ah ku deegaameeyaan waa arin nabada iyo xasiloonida cirka ku laalaysa,oo khatarteeda leh, keenina karta Colaad dabo dheeraata.

Suldaanka Gadhweyn ee lahaa Dhulka iyo Deegaanka Harti waa in aad dhisataan,colaad cusub buu iclaamiyey,waxaan leeyahay war ka jooga waxaad kala kulmaysaan,cawaaqib xune?

Colaadu waxay maraysaa maanta maamulo lkn haddii aad joojin weydaan arinta deegaamaynta colaadu waxay noqonaysaa, reer Hebel iyo in bidhaan la isku beegsado!!


Hogaamiya Jamhada Waqooyi galbeed,wuxuu ka xunyahay kii ka horeeyey


kuwani waa Doqomadii Dawacaley




Comments

Popular posts from this blog

Iran

 Dagaalka Iran iyo Yuhuuda Dagaalka Iran iyo Yuhuudu wuxuu gala maalintii 6aad oo xidhiidh ah,waxaa muuqata in aan weli guul laga gaadhin Iran oo iyadu ku gacan sarayso sida muuqata. Iran waxay la soo baxaday awood dheeri ah oo aysan filayn Yuhuuda iyo Trum midna oo weli waxay Iran ridaysaa Hub casri ah oo ay ka mid yihiin Galtaalo Haybarsonik ah iyo Diyaarado Drone ah oo casri ah. Iran waxay weerartay ilaa 12 wadan oo khaliijka u badan waxaana ka mid ah dalalkaay weerartay: 1.Sucuudi 2 Emarates 3.Bahrayn 4.Kuwait 5.Qadar 6.Ciraaq 7.Qobrus 8.Seria 9.Turki 10.Azerbijan 11.Israil Inta la sheegay Dowladaha ay werertay Iran waxaa Saldhigyo kuleh Maraykan waana sababta ay u weerartay. Hadaba yaad isleedahay dagaalkan wey ku guulaysanaysaa?

Bisha Rabadaan

  Bisha Rabadaan maanta waa 19,Bisha sadex meelood baa tegay sida muuqata Alle ha inaga dhigo kuwa Alle Cibaadadooda aqbalo. Bisha Rabadaan waxay bilatay 17kii Feb ,waxaa la Soomay 18kii Feb , Feb waxay ku dhamaatay 28m. Waxaynu ku lahay Bisha Feb 11m,maanta Bisha March waa  8m,haddii aynu isu geyno 11+8=19m Rabadaan waxaa hay 11m haddii Alle idmo. Alle ha ina gaadhsiiyo Maalinta farxada oo ku beegan 19ka Feb

Xulista Baarlamaanka Dowladda Waqooyi Bari

 Xuslinta iyo kala saarista xubnaha Baarlamaanka Dowladda Waqooyi bari Somaliya oo meel fiican maraya,lana filayo in wakhti dhow ay soo gabagaboobaan. Guud ahaan waxaa si habsami leh u socda xulista xubnaha ka mid noqon doona,xildhibaanada Dowladda waqooyi bari. Gudida Hubinta iyo Ansaxintu sifiican ayey shaqadooda u wataan, weyna dhowdahay dhamaystirka shaqadu?