Skip to main content

Abwaan Cilmi Carab Abdi

 

     

    Gabaygii Cilmi Carab Cabdi ku darsaday Silsiladdii Rayad

     

    • Hooyaale gabay waayadeer haabka kuma hayne

    • In dhoweydba waataan ka hadhay himiladiisiiye

    • Ma hawalinnin maansooyinkii igu habboonaaye

    • Hoorri waliba goortuu tirshaan daayay hadalkiise

    • Hayeeshee xaluun baan hurdada haatuf ii yimiye

    • Qaar baa halleeyee haddaan miinka ka higgaadsho

    • Heelkaan ka maansoonayaa loo hanweyn yahaye

    • Iga hooya waa taad beryahan ku holganaydeene

    • Hebednimadu waa waxay rag yari kuu hunguriyayne

    • Haddii aad halyey wada tihiin hanad ahoo dhiirran

    • Ninna ma holliyeen xoolahaad, gacan ku haysaane

    • Hubka iyo raggaba adiga oo hodan ahoo buuxa

    • Habaar weeye Habar Yoonis aad hiil u dayataaye

    • Haddii aadan hoollinayn dagaal hebelna aad weydo

    • Holgantoo naftaad geeridii kala hawooteene

    • Waase lama huraan mowd inaad ka hor timaaddaane

    • Hayin iyo anoo layga dhacay halo an maalaayay

    • Intuu Halab karuurkeed nin kale dhamo ma hoydeene

    • Anoo hilib ugaadheed ku nool kama hadheen Xiise

    • Idinkuna hablaad ugu darteen hadiyaddoodiiye

    • Hayiin iyo dayiin uumiyuhu idinku haasowye

    • Inaad hoos u wada foorartaan helay khabaarkiiye

    • Horweyntii la qaadiyo raggii haanka lagu gooyay

    • Haadkiyo waraabuhu ragguu ka hirqadee laystay

    • Ee hanaqa ay wada jareen hebelladii laayay

    • Hawo ineeyan kaa hayn inaad wax u halaakayso

    • Aad hiiftay Cali Aadankii ficil is haynwaayay

    • Oo aad Hartiga eersateen helay khabaartiiye

    • Hayeeshee waxay kaa hayaan waad ka helaysaaye

    • Nin hashiisii laga qaaday oo lagu hor maalaayo

    • Oo horin ka yari haysataa sidan u hoomaayin

    • Oo waliba loo sii hanjabay lana halaakeeyay

    • Hawaar dhabba nin lagu soo dhuftoo haylna laga jeexay

    • Ha'da maanso kuuma ay furree kaagu waa habowe

    • Heeryada adaan rogin Qamaan haanta lagu saaray

Comments

Popular posts from this blog

Iran

 Dagaalka Iran iyo Yuhuuda Dagaalka Iran iyo Yuhuudu wuxuu gala maalintii 6aad oo xidhiidh ah,waxaa muuqata in aan weli guul laga gaadhin Iran oo iyadu ku gacan sarayso sida muuqata. Iran waxay la soo baxaday awood dheeri ah oo aysan filayn Yuhuuda iyo Trum midna oo weli waxay Iran ridaysaa Hub casri ah oo ay ka mid yihiin Galtaalo Haybarsonik ah iyo Diyaarado Drone ah oo casri ah. Iran waxay weerartay ilaa 12 wadan oo khaliijka u badan waxaana ka mid ah dalalkaay weerartay: 1.Sucuudi 2 Emarates 3.Bahrayn 4.Kuwait 5.Qadar 6.Ciraaq 7.Qobrus 8.Seria 9.Turki 10.Azerbijan 11.Israil Inta la sheegay Dowladaha ay werertay Iran waxaa Saldhigyo kuleh Maraykan waana sababta ay u weerartay. Hadaba yaad isleedahay dagaalkan wey ku guulaysanaysaa?

Bisha Rabadaan

  Bisha Rabadaan maanta waa 19,Bisha sadex meelood baa tegay sida muuqata Alle ha inaga dhigo kuwa Alle Cibaadadooda aqbalo. Bisha Rabadaan waxay bilatay 17kii Feb ,waxaa la Soomay 18kii Feb , Feb waxay ku dhamaatay 28m. Waxaynu ku lahay Bisha Feb 11m,maanta Bisha March waa  8m,haddii aynu isu geyno 11+8=19m Rabadaan waxaa hay 11m haddii Alle idmo. Alle ha ina gaadhsiiyo Maalinta farxada oo ku beegan 19ka Feb

Xulista Baarlamaanka Dowladda Waqooyi Bari

 Xuslinta iyo kala saarista xubnaha Baarlamaanka Dowladda Waqooyi bari Somaliya oo meel fiican maraya,lana filayo in wakhti dhow ay soo gabagaboobaan. Guud ahaan waxaa si habsami leh u socda xulista xubnaha ka mid noqon doona,xildhibaanada Dowladda waqooyi bari. Gudida Hubinta iyo Ansaxintu sifiican ayey shaqadooda u wataan, weyna dhowdahay dhamaystirka shaqadu?