WAR CUSUB: Madaweynaha dalka Ira*n ayaa muujiyay in ay sii wadi doonaan weerarrada dariskooda ilaa inta Mareykanku uu joojinayo duullaamada uu uga soo qaadayo Tehran saldhigyada uu ku leeyahay Khaliijka.
“ Weerarrada saldhigyada Mareykanka ee gobolka looga soo qaadayo Ira*n si loo carqaladeeyo xiriirka dariskeenna, waa in la joojiyaa” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Ira*n Masoud Pezeshkian.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dawladaha Khaliijku aysan wali qaadin wax tallaabo ah oo ay kaga falcelinayaan weerarrada Ira*n ay iska fogeysay kuna eedeysay Israa*l iyo Mareykanka oo lagu beegsanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalalka Khaliijka.

Comments