Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2024

WFP

 Hayadda WFP ayaa joojisay,taageeradii ay siin jirtay dadka ku barakacay deegaanada Ssc-khatumo, sababtana,waxay ku sheegtay iyadoo Baarbuur Raashin Caawimo sida oo WFP ugu talo gashay deegaanadaas lagu boobay degmada Buuhoodle taas oo lagu eedaynayo masuuliyiinta ugu saraysa,Gobolka. Masuuliyiinta Gobolka ayaa ah kuwo aan bulshada u danayn,oo dantooda uga shaqaysta bulshada,wararka qaar ayaa sheegaya in masuuliyiinta gobolku dhaca ku lugleryihiin.

Ceerigaabo

 Ciidamada Dowladda Ssc-khatumo ayaa la sheegayaa in ay gudaha u galeen magaalada,oo maalmo kahor iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada Beesha Isaaq iyo Shacabka Beesha Harti ee halkaas degta.

Degmada Ceerigaabo

  Degmada ceerigaabo Nabadeedu waxay kujirtaa iyada oo maamulkastaa dhiniciisa maamusho,sababtoo ah haddii aan taas la helin,waxaa jiri doonta welwelka laga qabo in colaado sokeeye dib uga qarxaan Gobolka Sanaag! Somalidu wax aan micno lahayn ayey isku haystaan,looma baahna waxaan micno lahayn in dhiig Somaliyed ku daato! Beelaha reer Sanaag Qola kastaa deegaankeeda ha iimaansato?

Ceerigaabo

 Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee ay soo qaadeen Ciidamada maamulka Argagixisada Snm ee lagu laayey dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan,waxaan leeyahay joojiya dagaalka,wadahadal iyo Nabadna xaalka lagu dhameeyo,haddii laga waayo Nabad Maamulkaas Aragagixisada ah waa in Shacabku is Difaacaan? #Nur Asad

Buuhoodle

 Buuhoodle waa meelaha ugu nabada badan gayiga Somalida. Buuhoodle waa Degmo ka tirsan Gobolka Togdheer,marka laga hadlayo xilligii Dowladdii Mohamed Siyad Barre,waxayna Degmonimada qaadatay 1954tii. Wixii Dowladdii Mohamed Siyad ka danbaysay Buuhoodle wax maamul Dowladeed ah kama hirgelin,inkasta oo ay saamayn kulahaayeen maamulada Puntland iyo Somaliland,dhanka kale waxaa iyana saamayn togon kuleh Dowladda Ethiopia oo Buuhoodle waxay ku taal xadbeenaadkii Ethiopia samaysatay.

Colaadaha Geeska Africa

  Colaadaha sokeeye ee Geeska Africa ka holcayaa maxay salka ku hayaan? Waase xagee meelaha ugu daran ee colaaduhu ka socdaan? Dalalka Ethiopia Suudaan South Sudan Somalia Colaadaha Dalalkan ka aloosani waxay salka ku hayaan Qabyaalad,Fakhri,Gacmo shisheeye oo isu adeegsanaya Qabaa'iilka Deegaanka iyo Dalalka Shisheeye oo Dano Khaas ah ka leh, Dalalkan Colaaduhu kasocdaan.