Skip to main content

Posts

Bini Adam

Bini Aadamku xurmo ayuu leeyahay, haddii aad Meyd Bini Aadam aragto haku jees jeesin?  

Buuhoodle

Gobolka Cayn, maamulkiisa iyo Bulshadiisa ayaa dib u dhaca ugu wacan. Bulshada Gobolka cayn waa in ay Maamulka gobolka ee dhiig miiratada ah, iska dul qaadaan? Maamulka Gobolka iyo kan Dowladda Hoose waxay dib u dhac weyn u geysteen Horumarkii Gobolka.

Ceerigaabo

 Deg deg, Ceerigaabo in ay nabad noqonto waxay ku iman kartaa in Maamulkasta daantiisa maamulo, taas baa nabad iyo wanaag ah lkn inta Maamulka Gobolka Waqooyi galbeed, diidan yahay taas Nabadi iman mayso. In la deegaankii Harti Maamulka Waqooyi galbeed iyo shacabkiisu si khasab ah ku deegaameeyaan waa arin nabada iyo xasiloonida cirka ku laalaysa,oo khatarteeda leh, keenina karta Colaad dabo dheeraata. Suldaanka Gadhweyn ee lahaa Dhulka iyo Deegaanka Harti waa in aad dhisataan,colaad cusub buu iclaamiyey,waxaan leeyahay war ka jooga waxaad kala kulmaysaan,cawaaqib xune? Colaadu waxay maraysaa maanta maamulo lkn haddii aad joojin weydaan arinta deegaamaynta colaadu waxay noqonaysaa, reer Hebel iyo in bidhaan la isku beegsado!! Hogaamiya Jamhada Waqooyi galbeed,wuxuu ka xunyahay kii ka horeeyey kuwani waa Doqomadii Dawacaley

Ciyaar dhaqameed

 

Puntland

 Maamulka puntland wuxuu dagaal adag kula jiraa Argagixusada Arxanka daran ee Daacish. Dagaaladii u danbeeyey waxaa Argagixisada Daacish loogu awood sheegtay Buuraha gobolka Bari ee Calmiskat. Khasaare badan ayaa loogu geystay Daacish Buuraha,inkasta oo Ciidamada Puntland khasaare soo gaadhay, hadana waxaa kooxda Daacish laga saaray Dhul balaadhan iyo Dhufaysyo badan oo muhiim u ahaa.

Qorilugud

 Dagaalkii khamiistii ka dhacay jiida Shangeed yaa soo qaaday? Waxaa xaqiiq ah in labada ciidanba direen kormeer,kadibna ay is arkeen, xabadiina sidaas ku bilaabatay. Ciidamada dagaalamayaa maxay yihiin? Ciidamada dagaalamayaa waa Ciidamo, kasoo kala jeeda Ssc iyo Snm. Dagaaalku muxuu salka ku hayaa? Wuxuu salka kuhayaa,dhul durugsi iyo Khasab ku sheegasho,dad iyo dal aysan lahayn snm. Maamulka Ssc-khatumo state of Somalia waa maamul shacab oo u taagan midnimada Somalia,shacabka reer Ssc-khatumo,waxay soo mareen halgan dheer oo loo dhintay loo dhaawacmay,loona barakacay, maaha maamulka Ssc-khatumo mid sifudud kuyimid, sifududna loo dhiibi karo. Maamulka snm ilaa hada waxay liqi la'yihiin, Harti Woqooyi idinka mid maaha!,taas bedelkeeda dadka reer Sscna waxay liqi la'yihiin,in Beesha Isaaq, deegaanadooda sheegato!. Hadaba sidee xabadu ku joogsan kartaa? Waxay joogsan kartaa xabadu iyadoo labo maamul oo siman loo wada hadlo,maxaabiistana sidaas lagula kala wareego,

Jigjiga

 Jigjiga waa magaalo madaxda DDS, waana magaalo istaraatiiji ah,dhan walba oo aad eegto,lkn waxay u muuqataa in Qoomiyadaha Ethiopia ay aad ugu soo fidayaa,iyaga oo si dhab ah u dedgaamaysanaya,haddii ay soo galootiga faraha badan tahay iyo haddii ay dhanka Canfarta iyo Oromada tahayba? Jigjiga beri dhow gacanta Somalida maka bixi doontaa? Haddii aan maanta Somalidu fahmin dhagarta,siyaasadaysan ee Abiy Ahmed iyo Oromada Jigjiga gacanta Somalida wey ka baxaysaa!